Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa sidookale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenka ay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.
Taliyaha CXDS oo Dalacsiiyay Geesiyaashii Furay Waddada Muhiimka ah Ee Isku Xirta Muqdisho iyo Baydhaba
RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dalacsiiyay ciidamadii ka qeyb qaatay furitaanka waddada isku xirta Muqdisho...
























