Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo dhaweyay aqbalaadda madaxweynaha ee shaqo ka joojinta Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha XFS oo soo dhaweyay aqbalaadda madaxweynaha ee shaqo ka joojinta Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo dhaweeyay Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.

Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

 

Previous Post

Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban?

Next Post

Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

Next Post
Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

Mareykanka oo ka walaacsan dhismaha Xukuumadda cusub ee Afganistaan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In