Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Isgooyska Ceel gaabta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
“Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho, intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Sidokale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Shabaab waxaana uu yiri “Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya”.