Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle.

 

Related posts

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025

Munaasabadda xarigga loogu jarayay Masaajidkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta,  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta. Isaga oo sidoo kalena bogaadiyey maamulka Ha’yadda oo isbadal weyn ku sameeyey bilicda iyo qaab-dhismeedka guud ee xarunta.

Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) oo dib u dhis iyo balaarin ay ku socoto isaga oo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta.

Previous Post

Wasiirka Batroolka oo ka hadlay faa’iidooyinka Sharciga Batroolka dalka

Next Post

Tartamayaasha Hodan oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Next Post

Tartamayaasha Hodan oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 7-aad...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha...

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In