Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay mid taariihi u ah shacabka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 25, 2015
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in booqashada wafdiga Madaxweynaha Turkiga ay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala saxiixdaan mashaariic hor leh oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga ay ka duwantahay tii hore ee uu dalka ku yimid, waxaana uu shacabka ka codsaday inay dulqaad muujiyaan xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama ay tahay mid lagu xoojinayo Nabadgelyada Caasimadda, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Runtii farxad ayay noo tahay in markale uu Madaxweynaha Turkiga booqasho noogu yimaado, anigoo ku hadlaya Magaca Xukuumadda Soomaaliya waxaan uga mahadcelineynaa mashaariicdii kala duwanaa ee ay dalka ka hirgeliyaan, waxaana rajeyneynaa in Mashaariic kale aan kala saxiixano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in tani ay ka turjumeyso horumarka amniga ee ay dowladdu ku talaabsatay, isagoo xusay in taasi ay suurta gelisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku yimaado.

“Heshiisyada aan kala saxiixaneyno waxaa ka mid ah iskaashi dhaqaale oo labada dal, sidoo kale waxaaan kaloo kala saxiixan doonaa heshiisyo dhanka amniga ah, madaama dowladda ay ka baxday KMG-nimada, haatanna ay dowladdu dadaal ugu jirto hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka”ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Madaxweyne adiga iyo wafdiga kula socda markale ku soo dhawaada Soomaaliya” DAAWO

Next Post

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo Mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Jabuuti

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In