Monday, July 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Xaabsade

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Jannaayo 26, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timi Allaha u naxariiste Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxana Ra’iisul Wasaaruhu tacsi u diray qoyska uu ka tegay, xildhibaanada baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, isagoo u rajeeyey in Illaah jannadiisa ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeynaya geerida xildhibaanka waxa uu yiri:
“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timi Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo shalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tegay.

Related posts

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026

“ Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Xaabsade waxa uu u soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed xilliyo duruuftoodu kala duwan tahay, waxana uu ahaa nin si weyn u rumaysan Soomaaliya oo nabad ah oo horumartay, dadkeeduna ku nool yihiin midnimo, caddaalad iyo barwaaqo. Waxa uu ahaa geesi aan aragtidiisa la gabban oo dood-yaqaan ah marka lagu jiro baarlamanka iyo xilliyada kale ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
DHAMMAAD

Previous Post

Culimada iyo qeybaha bulshada Dhuusamareeb oo cambaareeyay Wargeyska Chirlie Hebdo

Next Post

Boob loo geysanayo goobaha ganacsata Ajaanibta ah ee dalka Koonfur Afrika

Next Post
Goobo ganacsi oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo boob loo geystay “SAWIRRO”

Boob loo geysanayo goobaha ganacsata Ajaanibta ah ee dalka Koonfur Afrika

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo howlo shaqo u jooga Mareykanka

July 5, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Seattle ee...

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

Hogaamiye Sheekh Aadan oo Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Waqooyi Bari iyo Gobalka Benaadir ku soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wefdi heer sare ah oo uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo

July 5, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In