Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa”-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar “Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, Mudane Cabdweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa maanta booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeelladu ka soo gaartay dagaalkii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Puntland kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) oo ah mashruuc lagu marumarinayo Isgaarsiinta Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa mid mid u booqday dhaawacyada oo ku jirey Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, wuxuna ALLE uga baryey in uu Caafimaad siiyo, isagoo tilmaamay kuwa qaba dhaawacyada daran ay dawladdu gacan ka geysan doonto sidii ay u heli lahaayeen caafimaad dibedda ah.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

“Waxaad hurteen naftiina qaaliga ah, waan idiin kaga mahad-celinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiiranaanta. Shakina iigama jiro in ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan Al-shabaabna laga guuleysan doono, EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan.” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaare Cumar askartii dhaawaca ahaa ee uu booqday.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa wadajir u dhagax dhigay Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT), waxana dhagax-dhigga kadib Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in mashruucani uu wax badan ka badeli doono adeegga Isgaarsiinta dalka iyo isdhaafsiga Macluumaadka.

IMG_3654 IMG_3663 IMG_3671 IMG_3674 IMG_3679 IMG_3686 IMG_3688 IMG_3702 IMG_3707 IMG_3709 IMG_3714 IMG_3715 IMG_3720 IMG_3728 IMG_3730

Previous Post

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada bulshada oo Galkacyo lagu qabtay-Sawirro

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada bulshada oo Galkacyo lagu qabtay-Sawirro

Kulan looga hadlayay horumarinta adeegyada bulshada oo Galkacyo lagu qabtay-Sawirro

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In