Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: Dadka Soomaaliyeed Lagama Adkaado, Hiigsigooda Kama Tagaan, Marka Ugu Dambeysana Iyagaa Guuleysanaya+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre: Dadka Soomaaliyeed Lagama Adkaado, Hiigsigooda Kama Tagaan, Marka Ugu Dambeysana Iyagaa Guuleysanaya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta xarigga ka jaray xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo dib-u-dhis lagu sameeyay, ayaa caddeeyay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay farriin xooggan u diyaraan kooxda argagaxisada ee qorsheynayay in wasaaradda shaqadeedu istaagto.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda Argagaxasida ee shaqadoodu tahay dilka iyo duminta ay dhismaha wasaaaradda weereen iyagoo doonayay in dadka Soomaaliyeed niyad jebiyaan, hase yeeshee damacoodii la diiday oo dib-u-dhis casri ah lagu sameeyay wasaaradda, taas oo muujineysa in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aan laga hor istaagi karin horumarka ay hiigsanayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Qoladii is laheyd dadka Soomaaliyeed niyaddooda jebiya waxaa loo diray farriin tii hore ka culus waayo wasaaradda waxaa loo dhisay si ka wanaagsan sidii ay aheyd markii ay soo weerareen, haddii ay is lahaayeen dadka Soomaaliyeed ayaa laga nixiyaa, la qalbi jebiyaa ama hiigsigooda hoos loo dhigaa, waxaan leennahay dadka Soomaliyeed isma dhiibaan ma niyad jabaan, lagama adkaado, hiigsigooda kama tagaan, marka ugu dambeysana iyagaa guuleysanaya sida taariikhda Soomaaliyeed ay sheegto”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii deyn cafinta, waxaana IMF iyo Bangiga adduunka ay bishaan shaaciyeen in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo, iyada oo la sugayo in dhawaan lagu dhawaaqo go’aanka deynta cafinta oo ay ka dhalanayaan fursado shaqo abuur ballaaran,waxaana wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay muhiimad wayn u leedahay hoggaaminta fursadahaas dhallinyarada Soomaaliyeed shaqada loogu abuurayo.

Previous Post

Munaasabad Xil wareejin ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

DED DEG Madaxweynihii hore ee Dalka Masar oo geeriyooday

Next Post
DED DEG Madaxweynihii hore ee Dalka Masar oo geeriyooday

DED DEG Madaxweynihii hore ee Dalka Masar oo geeriyooday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In