Tuesday, June 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidanka” SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 30, 2017
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka iyo dhismaha Ciidanka” SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September 28, 2017…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa sheegay ka sakow dhismaha xaruntan casriga in marka la tababaro askarta ay dawladdu Turkigu u raacin doonto qalabeyn, taasoo uu uga mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025

Taliyaha guud ee ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay taageerada hagar la’aanta ah ee Turkigu ay mar walba la garab-taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya. Wuxuna u mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo u yimid furitaanka saldhiggan loo dhisay qaabka casriga ah.

“Waxaa jiray waqti uu dalkeenu lahaa Ciidanka ugu fiican Afrika, waxaa jirey xili ciidankeenu ahaayeen libaaxyada Afrika. Markaas iyada ah waxaa gacanta ku hayay saraakiil Soomaaliyeed, maantase waxaan halkan u taagan nahay dib-u-yagleelidda ciidankii ahaa libaaxyada Afrika”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso meel ay dib uga soo kabanayso collaadii iyo dagaalkii sokeeye. Iyadoo xiligani lagu socdo jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada.

“Maanta wuxuu dalkeenu ku socdaa jidkii horumarka iyo dhismaha ciidanka, si taas loo xaqiijiyana waa in la helaa ciidan Soomaaliyeed oo u taagan difaaca qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, dugsigana wuxuu qeyb ka yahay horumarka aan higsanayno ee lagu dhisayo ciidankeena” ayuu raaciyey Mudane Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay si looga guuleysto faqriga iyo argagixisada in maanka lagu hayo dhismaha ciidanka iyo la dagaalanka Musuqa iyo kamid ah meelaha muhiimka si looga soo kabto dhibaatadii ka dhalatay dagaalka sokeeye.

“Dugsigani wuxuu noo leeyahay muhiimad, waayo waa tallaabo muuqata oo loo qaaday dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Halkan waxaa ku diyaarsan qeybtii ugu horeysay ee ciidan Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan qeybaha dalka, Waa inaad ogaataan askari walba oo halkan jooga inuu matalayo Soomaaliya ee uusan qabiil iyo deegaan gaar ah mataleyn”. Ayuu yiri R.W Khayre oo uga mahadceliyey dawladda Turkiya iney Soomaaliya ka hirgelisay saldhiggii iyo Safaaraddii ugu weynayd ee ku yeelato meel ka baxsan dalkooda.

 

—DHAMMAAD—-

Previous Post

Gaalkacyo: Haween Naafo ah oo la baray xirfado ay ku shaqeystaan

Next Post

Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada “SAWIRRO”

Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray marti gelinta shirka Madaxda dowlad goboleedyada "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

June 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha...

Madaxwaynaha Galmudug oo  daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

June 2, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmugid ka qayb galay...

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

Duqeymo Cirka ah oo lagu beegsaday Kooxda Khawaarijta ISIS-Somalia

June 2, 2025
0

Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay dalka Jabuuti

June 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In