Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka wakiil Ah Madaxwayne Farmaajo ayaa Furay Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka wakiil Ah Madaxwayne Farmaajo ayaa Furay Kalfadhiga 5-aad ee Aqalka Sare “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo wakiil ka ah Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee aqalka sare.

 

Related posts

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda waxa uu uga hadlay dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, hay’adaha amniga qaranka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka , qaan-gaarsiinta federaalaynta, bixinta adeeegyada bulshada, la dagaalanka argagaxisada, qorshaha sugidda amniga caasimadda

Amniga

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaaa khudbaddiisa ku sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, in la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka, in lagu guulaystay tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in dawladdu ku haminayso in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro argagaxisada, in dawladdu ay dib ula wareeegtay xaruma markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in iyada oo ciidanka xooga daku baacsanayaan nabad-diidka, hadana mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta.

Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayr ayaa xusay in dawladdu kor u qaaday dakhliga gudaha kasoo xarooda, hagaajisay maamulka maaliyadda, samaysay Miisaaniyad isu dheelli tiran, ku guulaysatay in aan dayn dheeraad ah aysan qaadan, in dib u habayn lagu sameeyay hannaanka aruurinta canshuurta, in Qarashaadka dawladda laga bixiyo hal meel iyo dawladdu ay soo buuxisay dhammaaan shuruudihii cafinta daymaha mar dhawna ay dawladdu saxiixayso heshiiskii ugu dambeeyay ee daynta looga cafin lahaa, uuna rajaynayo in Dayn cafis hor-dhac ah Soomaaliya loo sameeyo ugu dambayn bilaawga sannadka 2020.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo hufnanta dawladdu ay keeneen in la aamino, Midawga Yurub iyo Bankiga adduunkuna ay siiyaan lacago toos loogu shubayo qasnadda dawladda.

Qaan Gaarsiinta Federaalaynta

Ra’iisul Wasaraha XFS ayaa sheegay in dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyeen hannaanka doorasho iyo deegaan doorasho iyo qaybsiga kheyraadka, in dawladdu diyaariyay dhammaan Xulashooyinka qodobada dastuurka ku jira ee lagala xaajoonayo dawlad gobaleedyada oo ay kamid yihiin Hannaanka cadaalada iyo asluubta, Qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo astaynta awooda dawladda, Hanaanaka dawladeed ee jamhuuriyadda, qaabaynta iyo qaan gaarsiinta dawlad gobaleedyada kumeel gaarka ah iyo Maqaabka magaalada Muqdisho ee ku yeelanayso federaalka.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumaddu diyaarisay Hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo dib-u-eegis lagu sameeyay, dhawaanna la hor gaynayo baarlamaanka , waxa uuna baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka hor-yaalla oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka, nabadaynta iyo geedi socodka federaalaynta.

Bixinta adeegyada bulshada

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladdu la wareegtay iskuulaad iyo isbitaallo ay horay gacanta ugu haayeen shaqsiyaad ama hay’ado gaar loo leeyahay, ayna billaawday in ay bixiso adeegyo waxbarasho iyo caafimaad, iyo in la helay dhaqaale lagu dhiso wadooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye lana dhisayo dhawaan.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir “Sawirro”

Next Post

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Sabiib ee G/SH/Hoose

Next Post
10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaanka Sabiib ee G/SH/Hoose

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In