Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khartuum Kula Kulmay Jaaliyadda Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khartuum Kula Kulmay Jaaliyadda Iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan la qaatay kulan diiradda lagu saaray xaaladda soo kabashada iyo sida looga wada qayb qaadan karo dadaallada loogu jiro horumarinta hay’adaha kala duwan ee dawladda, Kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga, cadaaladda, la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo qabyaaladda.

Mas’uuliyiin u hadlay ardayda iyo Jaaliyadda Suudaan ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan hoggaanka dalka Soomaaliya ku ammaanay shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo ku dhiirri geliyay in ay sii dardar geliyaan oo aysan ka niyad jebin dhibaata kasta oo soo wajahda inta ay gudanayaan mas’uuliyadda ka saaran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan dawladda oo dawrka uga aadan ay qaadanayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Ra’iisul Wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ku boorriyay in ay u shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda si Soomaaliya loogu soo celiyo maqaamkii wanaagsanaa ee ay ku laheyd caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si gaar ah ugala dardaarmay in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo Musuqa oo ah kuwa dhibaatada ugu badan dalkeenna ku haya, dawladuna ay muhiimadda 1-aad siisay sidii ay u xakameyn lahayd.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa goob joog ka noqday heshiiskii lagu soo gebagebeynayay colaadii Suudaanka Koonfureed, waxa uuna kulamo la qaatay mas’uulyiin uu kamid yahay madaxweyne ku-xigeenka dalka Suudaan ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax, isaga oo dhanka kale booqasho ku tegay jaamacadda caalamiga ah ee Afrika oo ay wax ka bartaan ardayda ugu badan ee Soomaaliyeed ee dalka Suudaan.

Previous Post

Horjooge sare oo ka tirsanaa Nabad diidka Alshabaab oo Dawladda Soomaaliya isku soo dhiibay

Next Post

Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Next Post
Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Stan Kroenke oo la wareegay Milkiyada Kooxda Arsenal

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In