Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagey Xarunta Booliiska iyo Akademiyada Jeneral Kaahiye ee Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaalada Booliiska ay ku howlgalaan iyo inuu dardargeliyo dadaalka ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Salaan sharaf ku qaatay Xarunta Booliiska Soomaaliyeed halkaas oo uu xafiisyada kormeeray si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee booliiska. Qeybaha uu booqday waxaa ka mid ahaa qeybta CCTV, qeybta InterPol, iyo qeybaha kale ee Booliiska.

Related posts

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday Akademyiada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye oo uu halkaas kula hadlay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay ahaayeen dhallinyaro Jaamiciyiin ah oo heysta waxbarashada heerka Koowaad ee Jaamacadda, kuna dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah oo ay bulshada u hayaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booliiska ku ammaanay doorkii saliimka ahaa oo ay amniga u sugeen xilligii Imtixaanada Dugsiyada Sare ay socdaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu danbeyntii Boolliska kula dardaarmay inay shacabka u adeegaan oo lagu qiimeyn doono sida ay hadba bulshada ula dhaqmaan.

Ra’iiusul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay u soo cararaan booliiska oo ay kalsooni ku qabaan. Waxuuna ka codsaday booliiska inay qiimeeyaan heerka kalsoonida shacabka ka dibna ay la yimaadaan tallaabo kasta oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatey qaar kamid ah Hawenka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatey qaar kamid ah Hawenka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatey qaar kamid ah Hawenka Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
0

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.  ...

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In