|
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Qardho ee maamulka Punitland, ayaa la kulmay boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka bulshada, nabadeynta iyo taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya.
Boqor Burhaan boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ku dhiirri geliyay shaqada wanaagsan ee horumarinta rejada dawladnimada Soomaaliyeed, iyaga oo u ballan qaaday in dhaqanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlaha lagu garab istaagayo horumarinta qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. “Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi waan uga Mahad celinayaa Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan ee ay nagu qaabileen aniga Iyo Wafdiga ila socda”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa aad loogu soo dhaweeyay Qardho iyada oo wadooyinka ay isugu soo baxeen bulshada ku nool magaalada iyo hareeraheeda oo ku dhawaaqayay hal-kudhigyo ay ku ammaanayaan hoggaanka dawladda federaalka ah iyo wax-qabadka ballaaran ee ay la timid Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah kusoo gaaray Qardho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool magaalada Qardho iyo dhammaan Puntland soo dhawayta ay ka muuqato jacaylka horumarka iyo Dawladnimada. |
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

































