|
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.
Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed. โKormeerkaan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagula soconayo gudashada xilka iyo waajibaadka saaran wasiirrada. Waxa aan u hambalyaynayaa wasiirrada sida wanaagsan ee ay u shaqeynayaan waxa aan leeyahay halkaas kasii wada kormeerraduna waa sii socon doonaanโ, ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Kormeerka ayaa qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hayโadaha dawladda u yaalla. |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐: ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐๐ก๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐๐ง๐ญ๐๐ก๐๐ฒ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...















