Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Guddiga Dhaqaalaha Dalka.”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

Ugu horeyn Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka war bixiyay halka uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka, SMP3 iyo waxyaabaha la doonayo in lagu guulaysto si Soomaaliya deynta looga cafiyo dibna ay ula fal gasho hey’adaha dhaqaalaha aduunka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Wasiirka qorsheynta xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna ka war bixiyay dhismaha qolaha dhaqaalaha oo maraya heer gebagebo ah kaas oo dawladda ka taageeraya ka shaqeynaya kobcinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqaalahu uu yahay laf-dhabarta dawladnimada Soomaaliya, dhibaatooyinka hor taagan horumarka dalkana ay ugu horeyso dhaqaala yarida, sidaas darteed muhiimadda 1-aad ee xukuummaddu ay tahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo si caqabadaha hor-taagan looga gudbo oo dawladdu ay awood ugu yeelato in adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed wax ka qabato sida horumarinta amniga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka iyo dhismaha wadooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tubta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaha lala tegayo shirka Brussels oo dhawaan uu ka qeyb gelayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay dardargelinta Amniga+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo Qeyb Galaya Caleemo-saarka  Erdogan

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Qeyb Galaya Caleemo-saarka  Erdogan

Madaxweyne Farmaajo oo Qeyb Galaya Caleemo-saarka  Erdogan

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In