Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Waxbarasho lacag la’aan ah u Ballan Qaaday Caruurtii Waalidiintooda Lagu Dilay Qarixii Soobe+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 14, 2018
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Waxbarasho lacag la’aan ah u Ballan Qaaday Caruurtii Waalidiintooda Lagu Dilay Qarixii Soobe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen.

Related posts

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

kooxaha argagaxisada ah ayaa niyadda ku hahay in weerarkii October 14, 2017 ay tirtiri karaan horumarka dawladnimada, damin karaan iftiinka, dunidana u sheegi karaan in Soomaaliya aysan amni ahayn hase yeeshee taa bedelkeeda dadka Soomaaliyeed waxa ay ka heleen Midnimo, horumar, deeqsinimo, gacan furnaan, dal jacayl cusub, iyo in meel looga soo wada jeesto fikirka gurracan.

Previous Post

Qaar ka mid ah Dhaawacyada Qaraxyadii Baydhabo oo loo soo qaadayo Muqdisho “Dhageyso”

Next Post

Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe+sawirro

Next Post
Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe+sawirro

Hay'adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe+sawirro

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In