Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway (SAWIRRO)

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

“Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri R.W Khayre.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Dhanka kale. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey ayaa kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda NorwayWasiirka Arrimaha Dibadda Norway oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Next Post

Dab ka kacay Suuqa Xamarweyne

Next Post
Faah-Faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa Weerarka Banaadir Beach

Dab ka kacay Suuqa Xamarweyne

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In