Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo abaal mariyay Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay+ Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo abaal mariyay Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo  ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay kooxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeed  ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan  hantidooda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Cidanka nabad sugidda Qaranka oo hayay xogta ku saabsan qaraxyadii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho ayaa  si geesinimo leh ugu hor tagay, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi la damacsanaa Garoonka Diyaaradaha ,halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada , waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen bar-kontorool oo u dhow  Is-goyska Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen  Shacabka  Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyr ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo.

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane; Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriin ah sida ay Madaxda Dalku u garab taagan tahay had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Previous Post

Maanta Muuqalkii Muqdisho iyo Mini Marathone-ka

Next Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Next Post
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In