Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo abaal mariyay Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay+ Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo abaal mariyay Ciidankii Fashiliyay qaraxyadii Shalay+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya oo  ay wehliyaan Wasiirka amniga , Maxamed Abuukar Isloow, agaasimasha hay’adda  nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Sarkiil Ciidan iyo  xubno ka socday  maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqasho ku tagay Xalay saqdii dhexe xarumo ay ka howl-galaan Ciidnka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Dalka uu ku tagay Ciidanka NISA ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahad naq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad sugidda u fashiliyeen Laba qarax oo ay kooxda nabad -diidka Al-Shabaab la doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka iyo maatida Soomaaliyeed  ee aan waxba galabsan, kuna burburiyaan  hantidooda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Cidanka nabad sugidda Qaranka oo hayay xogta ku saabsan qaraxyadii Shalay gelinkii dambe ka dhacay Muqdisho ayaa  si geesinimo leh ugu hor tagay, iyagoo mid ka mid ah weerarradaasi la damacsanaa Garoonka Diyaaradaha ,halkaasoo ay Ciidanku ku toogteen Wadahii Gaariga Qaraxa siday, halka kan kalena ay doonayeen inay ku qarxiyaan goobaha ugu mashquulka badan Magaalada , waxanay Ciidanka NISA ku fashiliyeen bar-kontorool oo u dhow  Is-goyska Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa mid mid u Gacan qaaday dhammaan Ciidankii ku sugnaa goobihii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha halkaasi ku sugnaa ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii lala damacsanaa in lagu wax yeelleeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna Ra’iisul wasaarahuhu intaa ka dib guddoonsiiyay abaal marin Lacageed oo uu ku dhiiri gelinayey Ciidanka maadama ay bad-baadiyeen  Shacabka  Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin difaacidda Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Kheyr ayaa sidoo kale sheegay inay geesinimadooda badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo.

Booqashada uu Ra’iisul wasaaraha dalka mudane; Xasan Cali Kheyre ku booqday ciidanka nabad sugidda Qaranka iyo goobaha ay ka howl-galayaan ayaa qayb ka ah dhiirri gelinta iyo Garab istaagga Ciidamada iyo inuu gaarsiiyo farriin ah sida ay Madaxda Dalku u garab taagan tahay had iyo goor Ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Previous Post

Maanta Muuqalkii Muqdisho iyo Mini Marathone-ka

Next Post

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Next Post
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Cafis+Sawirro)

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In