Waxay ahayd maalin la wada xuso Nabada iyo Horumarka Sportiga aduunka oo si isku mid ah looga xuso caalamka oo idil 6 April oo loo asteeyay 1987-kii markii la bilaabay tartankii ugu horeyay ee Olombikada aduunka.
ย ย Baadi Goobkii Bile
ย Munaasabada ayaa ahayd mid lagu muujinayo isdhexgal bulsho kala maqneyd waqti badan ayadoo markii ugu horeysay Muqdisho dhexdeeda Cabdi Bile Cabdi uu ku xirtay dharka orodka in mudo ah kadib, Cabdi Bile waxaa uu ahaa shaqsigii loo tumay astaanta Muusiga qaranka dalkeena Soomaaliya oo ku guuleystay tartanka orodka 1500, 1987-kii kaasi oo lagu qabtay dalka talyaaniga iyo Xaruntiisa Roma waxay ahayd maalin wacan oo sooย martay tariikhda Ciyaaraha Soomaaliya taasi oo dalal fara badan ku kaliftay in ay baraan tartanka orodka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u qaxay dibada ayaga oo ka duulaya Cabdi Bile Cabdi qaabkii quruxda badnaa ee uu ugu guuleystay tartankii orodka 1987-kii iyo tartankii kale ee ka dhacay1993-kii Magalada Stutgart ee dalka jarmalka xiligaasi uu Cabdi Bile ka galay Kaalinta labaad isla tartanka 1500,
Dhalinyarada halkaan ka tagay ee dalka ugu cararay Masiibadii dalka soo Martay horaantii 1990-kii waxay ahayeen kuwa halkaan aanan lagu soo koobi Karin balse dalal fara badan ayaa xareeyay dhalintaasi kuwaasi oo u Muuqday in baadi goob ay ugu jiraan Sidii ay ugu dhex heli lahayeen Cabdi Bile oo kale.
Ingiriiska oo aanan ku guuleysan in badan tartamada orodka ayaa ka mid ahaa dalalka dhalinyarada Soomaaliya ee Nabada u tagay halkaas in ay ka dhex helaan Bile oo kale hase yeeshe ugu danbeyntii waxaa ay heleen Maxamed Farah oo ay ku Mahadiyeen.
Maxamed Faarax waxaa uu ka mid noqday raga ugu guulaha badan dalka ingiriiska dhamaan Ciyaaraha caalamka oo ay ka qayb galeen Sidoo Kale ย Maxamed Farax waxaa uu soo hooyay guulo dowlada Ingiriiska farxad geliyay waxaana guushaasi Ingiriiska uu ku helay Baadi goobkii Cabdi Bile Cabdi oo wacdaro lala yaabay ka dhigay Roma 1987-dii.
ย Bulshada Banaadir
Bulshada Banaadir waxaa ka muuqata biseyl iyo baahi ay u qabaan nabada waxaana taasi ay Muujineysaa in dhalinta Maanta ay wax badan ka fahmeen qaabkii kooxaha Nabad diidka ay u adeegsan jireen.
Dhalinta waa udub dhexeedka nolosha dalka kasta oo dunida ka jira waxaana Maanta muuqalka Muqdisho uu ahaa mid ka duwan Maalmahii Xumee iyo Marxaladihii dalka soo Maray, dhalinyarada Soomaaliya ayaa ah kuwa jecel isdhexgalka bulshada ayadoo soomaaliya dhowaan ay ka mid noqotay qiimeyn la soo saaray dalalka ugu wanaagsan dhanka hab dheqanka bulshada, Farxada iyo qaabka noloshoodu ay tahay Waxaana Soomaaliya ay ka gashay qiimeyntaasi kaalimaha ugu Sareeya ayadoo dalal fara badan oo ka tirsan qarada afrika kana nabad badan dalkeena hoos aan u fiirinay taasi ayaana Cadeyn u ah in Soomaaliyada Cusub ay qabsatay dhabihii nabada dhalinta Soo Koreysana ay Fahmeen waxa ay tahay nolosha dhabta ah.
Qaranka Kasta oo ka jira dunida waxaa uu leeyahay Maalmo isdhexgal bulsho oo heer sare loo soo agaasimo balse Munasabadii Maanta ayaa I Soo Xusuusiy Munaasabado badan oo Ciyaaro iyo is dhexgal bulsho ah oo aan ku arkay dalalka Nabada ku hormaray kuwaasi oo Soo bandhiga had iyo jeer Meerijaan Si heer sare ah loo soo agaasimay.
Muqdisho iyo Maalin Macaan
Maanta Muqdisho Waxay U ahayd Mid ka Mid ah Maalmaha ugu Macaan ee dalka Soo Maray Sanadkaan 2018 ayadoo indhahaada ay qabanayaan markii aad dhex mushaaxdo Baraha Bulshada Sawiro Qurux Badan oo laga Soo qaaday Munaasadii Maanta ka dhacday Muqdisho ee lagu xusayay Maalinta Nabada iyo Horumarka Sportiga.
Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos ayaa qayb lixaad leh ka qaatay Maamulka qurxinta iyo abaabulka Munaasabada Waxaana taasi ay ahayd Maanta Muqdisho Mid lagu Wada Midoobay, Tiro dhan 370 ayaa ka qayb qaatay tartanka Orodka Gaaban ee Mini Marathone-ka oo Muqdisho ay ku Maamustay Maalinta Nabada iyo Horumarka Sportiga aduunka oo Sidaan oo kale ay u xusaan Caasimadaha Caalamka Waana markii iigu horeysay ee aan arko 6-da April oo sidaan quruxda badan loo xuso waxaana Maanta Muqdisho ay u Midab ekaatay Sida Magaaloyinka Madrid, Manchester iyo Marseille oo ah dhamaan Magalooyin Miisan ku leh Muuqalka Ciyaaraha Yurub iyo Munaasabadaha Maalin laha ah ee dalalka Isbiin Ingiriiska iyo Faransiisku ay qabtaan.
Waxaan kaloo baraha bulshada aan ku arkay Saxafiyiin ku qanacsan shaqadooda iyo in ay Muuqal qurux badan ka gudbiyaan Waxa Cusub ee ka socda Casimada Soomaaliya taasi ayaana ahayd ย Mid Sare u qaaday qanaacada Shaqadooda, ย Ma Jirin Qarax Qiiq iyo Qasaaro intaba taasi ayeeyna ahayd Mida kaliya Ee badashay Jawigii ay ku Sugneyd Saxafada Soomaaliya inta ay Socotay Munaasabada.
Ugu danbeyntii dalka kasta waxaa uu ku dhisan yahay dhalinyaradiisa hadii dhalinta dhulka aysan ka qaadin dhulkooda hooyo waxaa dhaxalkoodu yahay dhibaato iyo dhimasho hadaba dhalinyaro Dhiso Dhulkaada dhulkana ka qaad Dhibkiina iska iloow.