Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday deegaanka Garas-Baaleey ee duleedka Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 28, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday deegaanka Garas-Baaleey ee duleedka Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, Maarso, 28.2017——–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay gacan siin doonto, isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xilli adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo meela cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka soo barakacay,  isla markaana Maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Saddex ruux oo xanuunka shuban biyoodka ugu geeriyootay deegaanka Yeed

Next Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku baaqay mamnuucidda hubka Nuklerka ah.

Next Post
Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku baaqay mamnuucidda hubka Nuklerka ah.

Golaha ammaanka ee Q. M. oo ku baaqay mamnuucidda hubka Nuklerka ah.

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In