Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo daah furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo daah furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026

“ In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”

“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin.

Hanti dhowraha  Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka dowladda ayaa sharaxay ahmiyadda  ay shaqaalaha u leedahay tira koobkaan lagu samaynayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo  shaqaalaha dowladda ayaa ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso tayeynta shaqaalaha oo laf dhabar u ah   adeegyadda ay dowladdu u hayso  shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo shaaciyay xilliga doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska “ waxaan diyaarinay qorsheyaal aan ku dayactireyno Xarumihii Booliska uu lahaa ee burbursan”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska “ waxaan diyaarinay qorsheyaal aan ku dayactireyno Xarumihii Booliska uu lahaa ee burbursan”

Taliyaha Ciidanka Booliska “ waxaan diyaarinay qorsheyaal aan ku dayactireyno Xarumihii Booliska uu lahaa ee burbursan”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In