Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmmiyinka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya degmooyinka uu  kormeerka ku maray waxaa kamid ah:- Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray ra’iisul wasaaraha.

Related posts

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Barkaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, taas oo ay caawa ku jiifaan maaliyiin Soomaalia ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku socdaalay wadada dheer ee Wadnaha ayaa u sii gudbay dagmada Yaaqshiid, halkaas oo ay sidoo kale ka howlgalayeen Ciidamada howgalka Xasilinta Amniga Caasimadda.

Isgoysyada Qaar Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula kulmay dadweyne Soomaaliyeed oo dhallinyaro iyo waayeel isugu jiray, kuwaa oo qaarkood ku gudajiray howlo ganacsi, iyadoo saacaddu ay ka gudubtay 12:00Am Waqtiga Geeska Afikada Bari.

Qaar kamid ah Dadweynaha uu Waddooyinka kula kulmay Mudane Kheyre ayaa bogaadiyay go’aanka Xukuumadda ee lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda, waxayna ra’iisul wasaaraha u sheegeen in ay dareemeen isbadal iyo xasilooni ku timid Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la xiriiray dhiirrigalinta howlaha Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimadda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Previous Post

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afarta dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Next Post
Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In