Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmmiyinka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya degmooyinka uu  kormeerka ku maray waxaa kamid ah:- Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray ra’iisul wasaaraha.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Barkaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, taas oo ay caawa ku jiifaan maaliyiin Soomaalia ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku socdaalay wadada dheer ee Wadnaha ayaa u sii gudbay dagmada Yaaqshiid, halkaas oo ay sidoo kale ka howlgalayeen Ciidamada howgalka Xasilinta Amniga Caasimadda.

Isgoysyada Qaar Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula kulmay dadweyne Soomaaliyeed oo dhallinyaro iyo waayeel isugu jiray, kuwaa oo qaarkood ku gudajiray howlo ganacsi, iyadoo saacaddu ay ka gudubtay 12:00Am Waqtiga Geeska Afikada Bari.

Qaar kamid ah Dadweynaha uu Waddooyinka kula kulmay Mudane Kheyre ayaa bogaadiyay go’aanka Xukuumadda ee lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda, waxayna ra’iisul wasaaraha u sheegeen in ay dareemeen isbadal iyo xasilooni ku timid Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la xiriiray dhiirrigalinta howlaha Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimadda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

Previous Post

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga afarta dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Next Post
Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In