Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan looga hadlayay amniga ku qabtay xarunta degmada Deyniile

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo caawa booqdey dhaawacyada Qaraxii Muqdisho ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha , Warfaafinta iyo  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho  oo manta  booqasho shaqo  ku tagey degmadda  Dayniile ee gobolka Banadir ayaa ugu horeyn ka qayb galay  qaybinta  raashin gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadka   u qaybinaysay   dadka  ku soo barakacay Dayniile  kuwaa oo ay abaaruhu ka soo baraciyiin  deegnadoodii .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna  Duqa magaalada  Muqdisho Mudane Tabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay goobta  raashinka lagu qaybinayey  ayaa sheegay in maamulka gobolka Banadir ay ka go’an tahay  in ay soo dhaweyso oo ay caawiso dadka Soomaaliyeed ee ku soo barakacaya  Muqsisho.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Dowladda Imaraadka uga mahadceliyey gargaarka ay uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, isagoo tilmaaamay  in  baahida iyo dhibaatada looga bixi karo  inay isu gurmadaan  Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca  kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa  Degmada Dayniile ku shir guddoomiyey  shirka  Guddiga Amniga  ee Xukumadda  kaasi oo laga hadlayey  dar-dar galinta  Amaanka caasimadda iyo hirgelinta  qorshaha lagu  sugayo Nabadgelyada Magalada  .

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta  iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cumar Cabdiraxmaan Yariisow ayaa tilmaamay in waxyaabaha shirka looga hadlay ay ugu muhiimsaneyd dar dargelinta howlaha la xiriira Nabad gelyada caasimadda.

Tabit Cabdi Maxamed  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa Muqdisho ayaa  xusay in  maamulka gobolka banaadir ay sharaf weyn u tahay  in  Degmada Deyniile ay  marti galiso shirka Amniga,  kaas oo lagu qaban jiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

Next Post

Dhageyso Khudbadda Madaxweyne Farmaajo Maanta Ka Jeediyey Masjidka Madaxtooyada

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale

Dhageyso Khudbadda Madaxweyne Farmaajo Maanta Ka Jeediyey Masjidka Madaxtooyada

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In