Carwada Bandhiga Buugaagta Muqdisho oo mudo saddex berri ah ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa waxa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya si uu dhiiri geliyo qorayaasha iyo hal abuurka Soomaaliyeed oo halkaa ku soo bandigey buugaag ka hadlayey mowduucyo kala duwan oo muhiim u ah buulshada.
Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka hor inta uusan soo galin gudaha gobta laga iibsanayey buugaagta waxa uu banankeeda kula kulmay carruuru isugu jirta Agoon iyo dan yar kuwaa oo goobta loo keenay in loo akhriyo sheekooyin ku qoran buugaagta carwada lagu soo bandhigayay
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaaa ka mid ahaa dadkii ka dukaamaysanayey Carwada buugaagta lagu soo bandigay, waxa uuna miis kasta ka soo iibsaday buugaag kala gedisan, si uu u dhiiri geliyo qoraasha isku howlay inay wax qoraan.
Ra’iisul Wasaraha ayaa Su’allo lagu waydiiyey munasbada lagu soo xirayey carwada bandhiga buugaagta Muqdisho kuwaa oo dhamaan la xariiray qoraalka iyo hal abuurka .
“Qoraalku waa habka ugu mihiimsan ee lagu muujiyo waxbarashadda iyo hal abuurka qofka beni aadanka , Ra’iisul Wasaaraha Xukuadda Federealka Soomaaliya ayaa amaan iyo Bpgaadin u diray dhamaan dadka halkaasi ku soo Bandhigay buugaagta ay qoreen oo u badan dhallinyaro .
Dowladda Federalka Soomaaliya ayuu xusay Ra’iisul Wasaare Khayre in ay dhiiri gelinaso qorayasha Soomaaliyeed , si hal abuurku u noqdo mid lagu horumarinayo dalkeena.
Carwada bandhiga Buugaagta Muqdisho ayaa noqonaysa sanadkii 4aad oo xariir ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho , taa oo ka turjumaysa sida dadka Soomaaliyed ay ugu jihaysteen in ay ku tartamaan qalinka iyo qoraalka oo saldhig u ah horumarka waxbrashada.