Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah oo wax badan ay ka dhexeeyaan“- Sawirro

caqiil by caqiil
June 14, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah oo wax badan ay ka dhexeeyaan“- Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis-Ababa kula kulmay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir, waxana ay ka wada hadleen cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah iyo sidii ay Sudan iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxana uu intaasi raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Soomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri Kheyre.

Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Daawo sawirrada dhisme London ku yaala oo gubanaya

Next Post
Daawo sawirrada dhisme London ku yaala oo gubanaya

Daawo sawirrada dhisme London ku yaala oo gubanaya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In