Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Arrinta Somaliland waa in lagu galo wadahadal, si looga miro-dhaliyo qorshaha Xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka “Arrinta Somaliland waa in lagu galo wadahadal, si looga miro-dhaliyo qorshaha Xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa caawa ka qayb galay munaasibad afur ah oo Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara, iyadoo la xaqiijinayo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha Somaliland isla markaana tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa Ergayga wadahadalada Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska oo kormeeray shaqada ay qabtaan ciidamada ilaalada Xeebaha

Next Post

Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In