Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ku boorriyay Saxaafadda Madaxa bannaan in ay Mas’uuliyad iska saaraan difaaca dalka iyo Hubinta wararka Bixin kara Fikirka qaldan.
Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay Soomaaliya laheyn shaqsi gaar ah iyo Dowlad gaar ah oo ay soomaaliya tahay dal Ummadda oo Dhami ay leeyihiin Soomaaliya loona baahan yahay in cid waliba ay mas’uuliyad iska saarto Xasilloonida Dalka.
Saxaafadda Madaxa bannaan ayuu ka codsaday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay ku dadaalaan xoojinta Wararka bulshada ku Abuuri kara Xasilloonida kuna dhiirri galinaya ina dalkooda Wax u qabtaan.