Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay saameynta Roobabka & daadadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed kula wadaagay Twitter Space oo hadda loo yaqaan X Space warbixin ku saabsan saameynta roobabka iyo daadadka El Nino, doorka muwaaddinka iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaaladda guud ee dalka gaar ahaan saameenta ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada dalka, waxa uu xusay in dowladda ay dadaashay iyada oo digniino u dirtay shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan bilaaban fatahaadaha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka; Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yiilay in ay dhammaantood wada xirmeen.

Dhanka dowlad gobaleedka Jubbaland Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog kuwaas oo xusay in ay geysteen khasaare kala duwa.

Dhanka kale deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sheegay in laga soo warinaya xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinaya xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, isaga oo sheegay in wabiga biya badan uu soo wado, taas oo keentay in dadka qaar ay hadda bilaabeyn in ay sii diyaar garoobaan.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Boqortooyada Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In