Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Salax Axmed jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda dib usoo wareejinta xarunta qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah oo la hoosgeeyey hey’adda maareynta musiibooyinka SODMA.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac oo isna goobta ka hadlay ayaa waxaa munaasabadda ka yiri ” Kadib markii aan tixgelinnay, waxaan is aragnay sida ugu wanaagsan ee dib la isugu soo celin lahaa NEOC iyo SODMA, waxaan shaki ku jirin in dadaalkooda iyo khibraddooda oo la isku daray ay horumarin gaarsiin doonto gargaarka iyo arrimaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya.”