Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay Kulan farsamo oo saabsanaa Amniga, Caddaaladda iyo Dowladd wanaagga, kaas oo ku salaysan qiimayn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta iyo Federaalayntu ka samaysay deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa tilmaamay in Xukuumadda #DanQaran dhinac wado hawlgallada dalka looga xoraynayo Khawaariijta barnaamijka dib u dejinta dadkii ka baro kacay dagaalada iyo hirgalinta adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa, isla markaana ay horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta oo hada soo diyaarisay qiimayn lagu ogaan karo waxa hirgalay iyo inta dhiman.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Mudane Saalax ayaa xusay in hada dowladu qaybo ka mid ah adeegyadii bulshada gaadhsiiyey deeganadii la xoreeyey, iyadoo qorshu yahay in deegaan kasta oo la xoreeyo loo dhamaystiro adeegyada muhiimka ah, isla markaana dadka deegaannka wacyi galin loo sameeyo.

Wasaaradaha Caddaalada iyo Amniga Gudaha, ayaa dhankooda soo bandhigay qorshaha ku aaddan dib u dejinta deegaannada la xoreeyey, gaar ahaan hannaankii looga hirgalin lahaa adeegyadii bulshada sida xarumihii Garsoorka iyo Saldhigyadii Booliska, si loo sugo Amniga iyo kala danbaynta.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir la yeeshay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir la yeeshay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shir la yeeshay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In