Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiirada dhiggiisa ah ee Jamhuuriyadaha Congo iyo Algeria ee dalkan Ethiopia kuwaas oo kala ah Amb. Daniel Owassa iyo Amb. Mohamed Lamine Laabas.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Congo mudane Daniel Owassa ahna madaxa Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay in Jamhuuriyadda Congo ay garab buuxa ku siinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada, si looga dhabeeyo loona fuliyo qorshaha salka ku haya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda amniga dalka oo dhan ugala wareegaan ciidamada ATMIS.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Docda kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ah ee Algeria ee dalkan Ethiopia mudane Mohamed Laabas ayaa shirkooda kaga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo danjire Lamine uu ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.

Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo siweyn loogu soo dhaweeyay Degmada Jawiil 

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In