Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku -xigeenka Dalka, ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha  Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyay xarunta dhexe Ee Wasaaradda, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yuusuf.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

Ra’iisul Wasaare  Ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda ka dhegaystay warbixin ku aaddan shaqooyinka socda iyo howlaha baaxadda leh ee la qorsheeyay in sannadkaan 2023 la hirgaliyo.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa dhankiisa RW Ku Xigeenka la wadaagay adeegyada horumarinta u leh dalkeenna ee ay gacanta ku hayso Wasaaraddu, Sida horumarinta kaaabayasha dhaqaalaha dalka, gargaarka iyo xasilinta deeggannada laga saaray kooxaha khawaarijta.

Dhanka kale, Ku simaha RW Mudane Saalax Jaamc oo warbixin dheer ka dhaystay Waxaaha iyo Hay’adda Istaatiskada Qaranka ayaa soo jeedintiisa xoogga ku saaray sidii loo horumarin lahaa adeegga dowladnimada, loona  gaari lahaa goobaha dhawaan la xorreeyay, waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay,  isla markaana soo jeediyay in la dar-dargeliyo Barnaamijyada xasilinta, lana dhaqangeliyo qorshayasha lagu horumarinayo dalkeenna.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa soo jeediyay in la kordhiyo adeegyada Bulshada, si loo sameeyo isbeddel dhanka horumarinta Qaranka ah, loona fuliyo qorshayaasha Wasaaradda u degsan.




 

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo hortegay Guddiga Ganacsiga ee BJFS

Next Post

Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada “SAWIRRO”

Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In