Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Qorsheynta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku -xigeenka Dalka, ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha  Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyay xarunta dhexe Ee Wasaaradda, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yuusuf.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Ra’iisul Wasaare  Ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda ka dhegaystay warbixin ku aaddan shaqooyinka socda iyo howlaha baaxadda leh ee la qorsheeyay in sannadkaan 2023 la hirgaliyo.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa dhankiisa RW Ku Xigeenka la wadaagay adeegyada horumarinta u leh dalkeenna ee ay gacanta ku hayso Wasaaraddu, Sida horumarinta kaaabayasha dhaqaalaha dalka, gargaarka iyo xasilinta deeggannada laga saaray kooxaha khawaarijta.

Dhanka kale, Ku simaha RW Mudane Saalax Jaamc oo warbixin dheer ka dhaystay Waxaaha iyo Hay’adda Istaatiskada Qaranka ayaa soo jeedintiisa xoogga ku saaray sidii loo horumarin lahaa adeegga dowladnimada, loona  gaari lahaa goobaha dhawaan la xorreeyay, waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay,  isla markaana soo jeediyay in la dar-dargeliyo Barnaamijyada xasilinta, lana dhaqangeliyo qorshayasha lagu horumarinayo dalkeenna.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa soo jeediyay in la kordhiyo adeegyada Bulshada, si loo sameeyo isbeddel dhanka horumarinta Qaranka ah, loona fuliyo qorshayaasha Wasaaradda u degsan.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo hortegay Guddiga Ganacsiga ee BJFS

Next Post

Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada “SAWIRRO”

Guddiga Tamarta ee BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Korontada "SAWIRRO"

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In