|
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM). Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn, waxa ayna isla soo hadal qaadeen arrimo ay kamid yihiin adkaynta xariirka labada dal. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa labadii maalin ee tagtay magaalada Nouakchott uga qeyb gelay shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlay sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa, furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuqa iyo Caqabadaha jira.
|
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...















