Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo xilka u kala wareejiyey qaar ka mid ah wasiirradii dhawaan la magacaabay.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo xilka u kala wareejiyey qaar ka mid ah wasiirradii dhawaan la magacaabay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula wareegeen wasiirrada cusub ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -udhiska mudane Maxamed Aadan Macallin, awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha mudane Cabdikariin Ashkir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhankooda, wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo Masuuliyiinta wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay Qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane sadiiq warfaa, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Deeqa yaasiin Xaaji, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud.

Tags: Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo xilka u kala wareejiyey qaar ka mid ah wasiirradii dhawaan la magacaabay.
Previous Post

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19  ee Soomaaliya oo korortay.

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Punland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Punland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Punland oo soo xiray shirka mashaariicda deegaannada maamulkaasi+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In