Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka “Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanad doorasho iyo horumar”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dalka Denmark uga qeyb galay kulan looga hadlayay doorashada dadban ee Soomaaliya, oo la filayo in sanadkan ay ka dhacdo guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Denmark, xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark iyo xubno kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray doorashada dadban ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka hadal ka jeediyay ayaa ugu horeyn sheegay in sanadkan ay Soomaaliya ku jirto sanad doorasho, isla markaana horumar dhinaca amniga, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo tan beni’aadanimada ay xilligan Soomaaliya ku tallaabsatay.

Mudane Carte oo khudbad ka jeediyay Machadka Caalamiga ah ee Danish-ka Eigiveds Pakhus ayaa tilmaamay in madaxda dowladda ay kulamo gaar gaar ah la qaateen deeq bixiyeyaasha caalamka oo ay isla meel dhigeen hanaanka doorashada dadban ee Soomaaliya ka dhaceysa, isla markaana ay dowladda ku rajo weyntahay in doorashada ay si hagaagsan u dhacdo, lana qorsheynayo sidii tan xigta ee sanadka 2020 ee ah hal qof iyo hal cod u dhici lahayd.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka waxa uu soo hadal qaaday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihin horumarka dalka, isagoo xusay in dowladdu ay sameysay wacyi gelin fara badan oo lagu hakaninayo qul qulka dhalinta Soomaaliyeed ee badaha ku dhimanaya, isla markaana la diyaariyay qorshe siyaasadeed oo looga hortegayo dhalinta la marin habaabinayo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladda ay qabatay shirar looga hadlayay sidii loo sameyn lahaa qorshe ay ku wada shaqeeyaan ciidamada booliska ee heer Federaal iyo Heer dawlad goboleed, si loo cadeeyo doorka hay’adkasta ay ku leedahay xaqiijinta amniga, waxaana uu intaa raaciyay in sidoo kale la sameeyay wada tashiyo ku aadan siyaasadda Amniga Qaranka oo uu la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, kuwaasi oo ay isla meel dhigeen qodobo muhiim ah.

“Waxka yar 90 cisho ayaa inooga harsan doorashada dadban ee Soomaaliya, runtii waxaan ku casuunay inay goob joogayaal ka ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya u jooga, si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaalba ah, isla markaana ay Soomaaliya qaaddo tubta Nabadda iyo xasiloonida”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa ku daray in sanadkan ay Soomaaliya u tahay sanad doorasho.

Dhan kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha dhinaca horumarinta u qaabilsan Denmark Martin Bille oo kulan qado ah ay wada qaateen, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo ka hadlay xaaladda dhallinyaro ku xiran dalkaasi “Dhageyso”

Next Post

Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka, booqdayna xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka, booqdayna xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta  “Dhageyso+Sawirro”

Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka, booqdayna xarunta tababarrada ee wasaaradda warfaafinta "Dhageyso+Sawirro"

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In