Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinimo kana qayb-galaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee caasimadda, ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee degmada Hodan, halkaas oo ay bulshadu ugu jirto safaf dhaadheer sidii ay u dooran lahaayeen masuuliyiinta matali doona.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maanta ay qormayso bog cusub oo taariikhi ah, isaga oo sheegay in doorashadani ay dib u soo celinayso xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana ay tahay codbixin toos ah oo shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer kaddib si xor ah ugu dooranayaan hoggaankooda, taas oo ka tarjumaysa biseylka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan gaarista masiirkooda siyaasadeed.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Mudane Saalax, ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada, isaga oo ku ammaanay hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka dadaalka ay ku xaqiijinta amniga shacabka iyo codayn-bixiyayaasha.

Previous Post

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Next Post

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Next Post
Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In