Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama, ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradaha Beeraha, Waraabka iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Wasaaradaha, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada iyo howl wadeennada kala duwan, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha socda iyo dardargalinta adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaa kale oo kormeer ku sameeyay shaybaarro casri ah oo loo diyaariyey Beeralleyda Soomaaliyeed si loo dhiirrigaliyo wax-soo saarka dalka, loona horumariyo nidaamyada waraabka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda,ayaa qireen howsha baaxada leh oo sheybaarkaan uu dalka u haayo waxa ayna ballan qaadeen sidii loo horumarin lahaa sheybaarka si adeegyo intaan ka badan loogu qabto
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed