Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Gaadiidka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Gaadiidka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiir ku-xigeenka Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Xirsi Aadan Rooble oo xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda, isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in rabbi ku guuleeyo mas’uuliyadda adag  ee u adeeggidda shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duuraan Axmed Faarax oo ugu horreyn uga tacsiyeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda geerida Aabbihii ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay in uu sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,isagoo muujiyay inuu xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonaya inay doorkaa  muujiso.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Waxaan doonayaa dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka, isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub in uu wax badan ka qabto hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay salaadda Janaasada Guddoomiyihii Xamar Jajab “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dar dargelinta howlaha shaqo ee horyaalla Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dar dargelinta howlaha shaqo ee horyaalla Wasaaradda “SAWIRRO”

Madaxda Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dar dargelinta howlaha shaqo ee horyaalla Wasaaradda “SAWIRRO”

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In