Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin oo loo sameeyay sannad-guuradii 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare iyo xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska, isagoo uga mahadceliyay guddiga qaban-qaabada dadaalka ay ku bixiyeen xuska sannad-guuradii 82-aad ee aasaaska ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ammaanay guulaha ay ciidamada amniga ka gaareen sugidda amniga caasimadda, wuxuuna ku dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda iyo amniga ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen horumarro kala duwan, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska ku ammaanay waxqabadka muuqda iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidanku ku tallaabsadeen.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed markaad dheehato ama daawato kiisaska maxkamadaha laga soo daayo, waxaa ka muuqata xirfad iyo aqoon.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 1943-kii, ayaa ka mid ah ciidamada qalabka sida, door muhiim ahna ka qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta guud ahaan dalka.

Previous Post

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Next Post

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Next Post
Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In