Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay shirka Amniga iyo Cimilada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 9, 2024
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay shirka Amniga iyo Cimilada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka, iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Isaga oo ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan.

 







Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday kaalmo sharciyeedka Federaalka Soomaaliya

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka oo ka qeybgalay kulan Wacyigelin bulsho

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka oo ka qeybgalay kulan Wacyigelin bulsho

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka oo ka qeybgalay kulan Wacyigelin bulsho

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In