Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday kaalmo sharciyeedka Federaalka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday kaalmo sharciyeedka Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa sheegay in kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha ay u baaqdeen arrimo jiray oo guddoonka uu ku howlanaa xalintiisa kuwaas oo hada lagu guuleystay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waxaan idinka raali gelineynaa labadii kulan ee baaqday sababtuna waa inaan ku howlaneyn arrimo ka dhex jiray Xildhibaannada inaan xalino waan xalinnay waana ku guuleysanay, Xildhibaannada sharafta leh runtii waan idin kaga mahadcelinayaa dadaalkiina, dalkan dowlad dhiskiisa iyo horumarkiisa qeyb libaax leh oo muhiim ah ayaad kaga jirtiin waana ku mahadsantihiin”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ajendaha kulanka oo ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaannada la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha Xildhibaannada islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

 










Previous Post

Hooyo Naafo ah oo Gaalkacyo lagu guddoonsiiyay gaari casri ah

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay shirka Amniga iyo Cimilada

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay shirka Amniga iyo Cimilada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeybgalay shirka Amniga iyo Cimilada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In