Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo xubno kale ayaa maanta ka qayb galay 53 guuradii kaso wareegtay Xoriyadda dalka Burundi..SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo xubno kale ayaa maanta ka qayb galay 53 guuradii kaso wareegtay Xoriyadda dalka Burundi..SAWIRRO

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane  Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali  iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi,   ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay 53-guuradii kasoo wareegtay markii ay xoriyadda qaateen dalka Burundi, taasi oo soo qaban qaabisay safaaradda Burundi ee magaalada Muqdisho.

 Safiirka dowladda Burundi u fadhiya Soomaaliya  Joseph Nkurunziza, ayaa ku dheeraaday halgankii dheeraa ee bulshada reer Burundi usoo galeen xoriyaddooda, isagoona xusay in ay ka go’antahay taageerada iyo dadaalka nabadeyna Soomaaliya ay ka wadaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

 “Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxey istaahishaa nabad iyo xasilooni in dadkeedu helaan. Waxaan sii wadi doonaan dhiigga ay wilasheena reer Burundi u hurayaan dalkooda labaad ee Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Burundi ee Soomaaliya.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Burundi, isagoo dhianaca kale uga tacsiyeeyey askartii uga dhimatay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka reer Burundi, wuxuna sheegay dowladda Burundi iyo shacabkeeduba in Soomaaliya ay usoo gurmadeen waqti adag oo taageero iyo isgarab tag ay u baahnaayeen.

 “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burundi ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey  habeen iyo malinba u taagan yihiin sidii cadowga looga sifayn lahaa goobaha ay dalka uga harsan yihiin, bacdamaa ay khatar ku yihiin Soomaaliya iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.” Ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed  Cumar Carte ayaa dhanka kale  sheegay in dowladda Burundi  ay Soomaaliya u soo gurmatay xili aad u adag, shacabka Soomaaliyeedna aysan marnaba illaawi doonin sida ay dhiigooda ugu hureen si Soomaaliya ay nabad u noqoto.

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

Previous Post

Olole nadaafadeed oo laga sameeyay gudaha wasaaradda warfaafinta-Sawirro

Next Post

Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

Next Post
Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In