Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay R/wasaaraha masar

November 10, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS  oo kulan la qaatay   R/wasaaraha masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fadaraalka soomaaliya mudane mahdi maxamed guuleed khaddar iyo wafdi ay kamid yihiin wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkaan ay marti galisay dowlada masar aya dalka dib ugu laabtay.

raiisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Somalia mudane mahdi maxamed guuleed khadar oo wareysi siiyay sonna aya marka hore u mahad celiyay safaaradda soomaaliya ee masar waxana uu iiga warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha masar c.fitaax siisi iyo raiisul wasaaraha masar sharif ismaciil maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma sheikh.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

“ugu horeyn waxan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada soomaaliya ee qaahira safiir ku xigeenka ilyaas sheikh iyo masuuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad ino soo dhaweeyay inta joognay Sharma sheikh, waxan fursad u helay inan la kulmo madaxweynaha masar c.fitaax siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha soomaaliya aya ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa markii ay masar so gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin,waxa kale oo aan fursad u helay inan la kulano ra’iisul wasaaraha masar sharif ismaciil maxamed, masar waxay dooneysa dhowr meel oo waaweyn oo ilaha dhaqaalaheenna ku xiran inay gacan saar nagala yeeshan oo ay ka mid tahay xoolaha,kaluumeysiga ,beeraha, biyaha iyo tamarta, dhinac walba ayey diyaar u yihiin, inan gacamaha isqabsano oo iskaashi ka yeelano”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayay aya dalka dib ugu laabtay kadib marku so gabagaboobay maalintii khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma sheikh.

Previous Post

Dhageyso: Wasaaradda Waxbarashada XFS oo heshiis la gashay Wasaaradda Waxbarashada Bagistaan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In