Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble “Aan U Turno Dadkeenna Qaba Xanuunnada Dhimirka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 10, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble “Aan U Turno Dadkeenna Qaba Xanuunnada Dhimirka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.

Sanad walba marka la gaaro 10-ka Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Midowga Afrika Oo Tababar Dhanka Xaquuqda Aadanaha U Soo Gabo Gabeeyay Ciidamo Ka Tirsan AMISOM

Next Post

Ra”Iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Next Post
Ra”Iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Ra”Iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In