Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle “Sawirro”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howlgalaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16-aad.

Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka Danab guutada16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada lagula jiro kooxaha argagixisada ah.

Related posts

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan amniga Qaranka. Iyado aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.”

Guutada 16-aad ee Danab ayaa sida gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo ubucda argagixisada, waana ciidan heegan ugu jira sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen kooxaha banaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona bogaadiyey dhabar adeygga, geesinimada iyo sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay dalka ka sifeeyaan argagixisadas caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

 

Tags: Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Xarunta Ciidanka Danab ee Balli-doogle
Previous Post

Saraakiisha ciidamada Talyaaniga iyo spain ee jooga Soomaaliya oo qalab isboortis gudoonsiiyey ciyaartowda Gobolka Banaadir

Next Post

Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xuddur uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay

Next Post
Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xuddur  uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay

Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xuddur uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In