Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay safiirka Mareykanka “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay safiirka Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay  Danjire Yamamoto, ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sii xoojintiisa, arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arrimaha banii’aadminimada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorasho daahfurani dalka ka qabstoonto si dhaqsi ah , isagoo tilmaamay in aanu dan gaar ah ka lahayn doorashada isla markaana uusan kala xigsan doonin musharraxiinta, balse taas baddelkeeda ay ka shaqeynayo sidii dalka doorasho hufan oo nabad ahi uga dhici lahayd.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda in ay garab taagan tahay dadaaladda hirgalinta doorashada ee uu hormuudka ka yahay  Ra’isul Wasaaraha ,sidoo kalana ay Dowladda Mareykanka ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay ku gaari laheyd nabad iyo xasillooni waarta, ayna si xoojineyso taageerada ay dowladda Soomaaliya ka siiso la dagaalanka kooxda xajirka ah ee Alshabaab iyaga oo amaanay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobollada qaar sida Shabeellooyinka  kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa kaloo si qoto dheer looga hadlay arrimaha baniiaadminimada , gaar ahaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay  daadadka ka jira Hirshabelle iyo aafada ayaxa oo ku soo noqnoqtay Soomaaliya.

Kulanka ay waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Previous Post

Munaasabadda daahfurka bandhiga Buugga Nabadda oo  Gaalkacyo lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada oo fursad 2aad siisay ardaydii ka haray galista Imtixaankii Shahaadiga ahaa

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug  oo dib u dhagax dhigtay mid kamid ah dugsiyadii ku burburay dagaaladii sokeeye

Wasaaradda Waxbarashada oo fursad 2aad siisay ardaydii ka haray galista Imtixaankii Shahaadiga ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo u hambalyeeyay Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka EAC

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u hambalyeeyey wakiilada Xildhibaanada ah...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ay abaartu saameysay

March 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) iyo Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐟𝐚𝐪𝐨-𝐝𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲

March 16, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

March 16, 2026
0

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howlgala caasimadda dalka, ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In