Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Dowladda Sacuudiga Carabiya

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay safiirka Dowladda Sacuudiga Carabiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay garab istaaggeeda Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan, hadda iyo xilliyadii adkaa ee dalku soo maray, isagoo rajeeyay in xiriirka labada dal uu sii wanaagsanaado ka dib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudnaann gaar ah siinayay sara u qaadista xiriirka walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay Sacuudi Carabiya.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026

Dhankiisa Safiir Axmed Bin Maxmed Almuwalad, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee dalka loogu soo dhaweeyay iyo wadad shaqeyntii wanaagsaneyd, isagoo sheegay in Boqortooyada Sacuudiga iyo hoggaankeeda diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinac kasta, si gaar ah gurmadka dadka abaartu hayso, dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka guddoonsiiyay billaddo sharaf uu ugu talo galay safiirkii hore ee Sacuudiga u qaabilsanaa Soomaaliya Mudane Maxamed Khayaad, sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu billad sharaf guddoonsiiyay xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka iyo arrimaha bani’aadminimada oo kaalin weyn ka qaadaneysa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Previous Post

Imtixaanka Fasalka 8aad oo maanta laga daah furay Baladweyne

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Kalfadhigii 1-aad kulankiisa10-aad

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Kalfadhigii 1-aad kulankiisa10-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Kalfadhigii 1-aad kulankiisa10-aad

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In