Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maanta uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wafdi hor dhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb waxaana la filayaa inuu saakay kasoo ambo baxo magaalada Garoowe oo maalmahaan uu ku sugnaa.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay ka dhacaan bilawga sanad cusub ee 2021,
Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa hore utagay magaalada baydhabo ee uu madaxadweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen kala hadlay arrimaha doorashooyinka sidoo kale maalmahaan magaalada Garoowe ayuu ujoogay inuu madaxda Puntland kala hadlo sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyin fooda nagu soo haayo.